Dhageyso:-Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay magaalada Muqdisho

0

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax Saakay Aroortii ka dhacay nawaaxiga Isbitaal Digfer ee m/ Muqdisho.

Qaraxa ayaa ahaa nuuca Miinada dhulka lagu aaso, waxaana la sheegay in lala eegtay gaari nuuca raaxada ah, oo ay la so socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Goobjooge la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in qaraxaasI uu ku dhintay 1 Qof, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen illaa 3 Askari oo ka tirsanaa Ciidanka Dowladda.

Waxaana uu tilmaamay in goobta ay gaareen Ciidamada ammaaanka ee Dowladd, kuwaas oo baaritaano ka sameeyay halkaasi.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.