Cali khaliif Oo Maraykanka Ubaxsaday lana kulmay Soo dhawayn Murugo Xumbaarsan

0

Hogaamiyihii ku fashilmay hogaaminta Maamulkii khaatumo State ee Cali khaliif Galayr ayaa si dhuumaalaysi ah dahaawan ugabaxay Magaalada laas Caanood ee Xarunta Gobolka Sool halkaas oo Maal mihii udambeeyay  gabaad u ahayd.

C/kahaliif Galayr ayaa dadku waxa ay kutilmaamaan siyaasiga ugu saamaynta xun dhanka siyaasada, raad xuna kaga tagay Isimadii dhaqanka ahaa  ee soo dhisay  Maamulkii lamagacbaxay khaatumo state ee Bur buray.

 

Cali khaliif ayaa ahaa siyaasigii gacabnta ugaliyay Tukaraq Malayshiyaadka uu hogaamiyo Muuse Biixi , Wuxuna imika u soo baxsaday Dalka Maraykanka kadib markii uu ku hugoobay heshiiskii uu lagalay Maamulka Soomaliland.

Markii uu ka soo dagay dalka Maraykanka ayaa waxa uu filaayay in lagu soo dhaweeyo Calanka soomaaliland bale taa badalkeed waxa soo dhaweeyay dadweyne sitay Calanka baluuga ah ee Jamhuuriyada Fadaraalka Soomaaliya taas oo fajac iyo iyo dhabana hays ku noqotay.

 

Ergayga gaarka ah ee Soomaaliya uqaabilsan Qaramada Midoobay ayaa Waxa uu  Golaha ugudbiyay dacwad ka dhan ah Cali khaliif Galayr oo uu sheegay in uu ku sifoobay iskudirka Qabaa ilada Soomaliyeed .