Deg:Deg: Ciidamada Amniga ee Gobolka Bari Oo Duleedka Bosaaso Qarax lagula eegtay

0

Wararka naga soo gaaraya duleedka magaalada Bosaaso gaar ahaan Meel udhawo Buuralayda Gal-gala ee Gobolka Bari ayaa sheegaya in halkaasi Qarax miino lagaula eegtay gaari nooca Cabdi bilaha ah oo Ay la socdeen Ciidamada Amniga ee G/bari, kuwaas oo ka yimid dhanka Buuraha Calmadow ee Gobolka Sanaag halkaas oo ay maalmahan ka wadeen Howlago ay sheegeen Ciidamada in ay ku baadi goobayaan kooxaaha ka dagaalama Buurahaasi ee Daacish iyo Al-shabaab.

Qaraxan oo ahaa Miino dhulka loogu aasay Ciidamada ayaa Waxaa la gu soo waramayaa in uu jiro qasaare naf iyo maalba ah oo soo gaaray Ciidamada Amniga ee Puntland, lama xaqiijinkaro ilaa iyo hada tirada dhimashada iyo dhaawaca ciidanka.

Dhaawacyada Ciidanka ayaa loo soo qaaday isbitaalka Dowlada oo kuyaala Magaalada Bosaaso, halkaas oo Xaaladooda Caafimaad lagulatacaalayo.

 

Majirto ilaa iyo hada Wax faah faahin ah oo ka soo baxay Saraakiishii hogaaminaysay Ciidamadaasi Qaraxa Miino lala eegtay maanta,

 

Al-shabaab ayaa bartooda internedka ku soo qoray in ay Qaraxan iyagu ka dambeeyeen ,waxa ay sheegeen in uu jiro khaasaare ay gaarsiiyeen Ciidamada.