Waxa la filaya in Magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyo Shirka Amniga qaranka kaas oo Mudo labo Maalin ah ka socday Xarunta Madaxtooyada Dowlada Federaalka Soomaaliya.
Shirka Golaha Amniga ayaa waxa Maalintii Kowaad waxa Shir Guddoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,Maxamed C/Laahi Farmaajo,iyadoo Warbixin kala duwan laga dhageystay Wasaaradaha Gaashaandhigga iyo Amniga,iyo Wasaaradaha kale ee Dowlada,iyo Taliyaasha Ciidamada Xoogga Dalka,iyadoo laisku afgartay in lagawada shaqeeyo sidii Amniga Dalka ay ula Wareegi la hayeen Ciidamada Xoogga Dalka.
Sidoo kale Maalintii Shalay ayaa waxa Shirka Golaha Amniga Shir Guddoominayay Ra’iisul wasaaraha Dalka Xasan Cali Kheyre,iyadoo warbixino laga dhageystay Guddiga Doorashooyina Madaxa Banaan,iyadoona inta badan Shirka looga hadlay Doorashada Sanadka 2020 oo la doonayo in dalka ay ka dhacdo Doorasho qof iyo Cod ah,waxaana lagu wada heshiiyay sidii arimahaas loogu wadan shaqeyn lahaa.
Saacadaha Soo socda ayaa lagu wada in war-murtiyeedka ku aadan waxyabihi looga hadlay Shirka ,waxaana Shirkaan uu noqonaya midkii lixaad oo ah yeshaan Dowlada Dhexe iyo Madaxda Maamul Goboledyada.