Akhriso:-Madaxweyne farmaajo & muuse biixi oo isla gartay dalka marti-galin doona wada-hadalka labada dhinac

0

Warar soo baxaya ayaa sheegaya In madaxweynaha Soomaliya Maxamed Cabdulahi Maxamed (Farmaajo) iyo madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ay isla garteen halka lagu qaban doono kulanka koowaad ee wada-hadalka labada dhinac.

Kulanka koowaad ee wada-hadalka Somaliland iyo Somaliya ayaa ka dhici doono Magaaladda Djabuuti ee caasimadda dalka jabuuti,waxaana wada hadalada la sheegay in loo kala dab qaaday, isla markaana dalka Jabuuti uu noqdo dalka fura wada haladii hakadka galay.

Madaxweyne Biixi iyo madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa kale oo la sheegay in ay isla garteen in Turkiga lagu koobin marti galinta wada hadalada Somaliland iyo Somaliya maadamada oo aaney wada hadaladii Turkiga lagu qabtey aaney waxba ka soo bixin.

Fikirkan oo la sheegay in uu watey Madaxweyne Muuse Biixi ayaa la sheegay in madaxweyne Farmaajo ka war wareegay laakiin uu aakhirkii aqbalay.

Dhawaan Madaxweynaha Soomaaliland ayaa socdaalkiisa ugu horeeyay ku tagay dalka Jabuuti,wuxuuna madaxweynaha dalkaas Ismaaciil Cumar Geelle uu kala soo hadlay arrimo dhowr ah.

Wada halada Soomaaliland iyo Soomaaliya oo bilaabmey sanadkii 2012-kii oo aheyd markii madaxweyne Siilanyo talada dalka hayey muddo laba sanadood ah , ma jiraan wax macno leh oo ka soo baxay marka laba reebo shirar labada wafti dhex maray iyo heshiisyo la saxiixo oo u muuqda mid miiska wada hadalka lagaga yimaado.