Magaalada Bosaaso Gaar ahaan Wasaarada Amniga Puntland waxaa Shalay ilaa iyo maanta ka socda dadaalo lagu xalinayo khilaafkii soo kala dhaxgalay Gudiga Amniga G/Bari .
Dadaaladan ayaa Waxaa ku wowlan Wasiirka Wasaarada Amniga Puntland Axmed Cabdilaahi Yuusuf Dowlada oo maalmahan ku Sugnaa Magaalada Bosaaso.
khilaafkan soo kala dhaxgalay Gudiga Amniga Gobolka bari ayaa Yimid kadib markii xubno kamid ah Gudiga ay soo saareen Warqad Ay ku sheegeen in ay xilka kaga qaadeen Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Bari C/xakiin Yuusuf Xuseen oo ah Gudomiye kuxigeenka Gudiga, kadib markii gudiga ay ku soo eedeeyeen xil gudasho laaan.
Warbaahinta Allgalgaduud.com ayaa xiriiro badan oo ay lasamaysay Madaxda Wasaarada Amniga si ay wax uga waydiiso khilaafkaasi Ayaan usuurta galin in ay hesho, balse ahadii ay noo suurta gasho in Aan Qadka ku helno Madaxda Halkan ayaan xogta idinkula wadaagi Doonaa.
khilaafkan ayaa sababay in uu dib udhac ku yimaado howlihii laamaha Amniga ay uhayeen bushada, oo ahaa in lasugu Amniga Magaalada Bosaaso oo maalmihii udambeeyay ay ka dhacayeen falal lidi ku ah Amniga oo ay Mas,uuliyadooda sheegteen koodaxa Al-Shabaab.