DHAGEYSO:-Gudoomiyaha gobolka bari oo amaanay shacabka bosaaso kaalintii ay ka qaateen bad baadinta doontii xumaatay

0

Gudoomiyaha gobolka Bari ayaa faah faahin ka bixiyey Doontii la Bad baadiyey dadkii ka qayb qaatay wuxuuna sheegay in shacabka iyo dawladu aysan u kala harin isku duubnidoodina waxbadan ay ku gaareen.

Yuusuf Maxamed Waceys Dhedo Gudoomiyaha gobolka Bari ayaa sheegay inay gacanta ugu wayn ay gaysatay Dawlada Puntland maadama ay keentay qalabkii looga shaqaynayey Wadda Ceel daahir iyo ceerigaabo,Amnigii sugidiisa iyo Shidaalkii ku baxayey Gadiidka Shaqaynaya kuwaaasoo qayb ka ahaa gurmadka lagu samaynayey gurmadka deg deg ah.