Labo qarax oo xoogan ayaa maqribnimadii caawa ka dhacay magaalada muqdisho gaar ahaan agagaarka taalada dhagaxtuur halka kan kalana uu ka dhacay goob ku dhaw hotel doorbin oo wax yar u jira isgoyska jubba.
Qaraxyadan waxaa daba socday weerar ay 5 ka tirsan kooxda al shabaab ku qaadeen afaafka hore ee madaxtooyada,waxana ay iska caabin kala kulmeen Ciidamada dowlada
Ciidamada dowlada ayaa goor danbe oo caawa ah soo gabagabeeyey weerarkaasi,waxana ay toogtee 5-tii dagaalyahan ee weerarka soo qaaday
Saraakiisha ciidamada dowlada ayaa sidoo kale xaqiijiyey in weerarkaasi ay ku geeriyoodeen labo askari oo ka tirsan ciidamada ilaalada madaxtooyada
Gudiga gurmada deg dega ee gaadiidka ambalance-ta ayaa inoo xaqiijiyey in qaraxyaadaasi ay ku geeriyoodeen 15 qof halka dhaawacyo 20 ka badana ay goobta ka qaadeen.
Gudiga Gurmadka deg dega ee gadiidka amblance-ta ayaa tilmaamay in dhaawacyada ay u kala qeybiyeen isbitalkada muqdisho halkaasoo bukaanada ay waxyeeladu soo gaartay xaaladooda caafimaad lagu dabiibayo
laamaha amniga ayaa tibaaxay in maalinta berito ah ay ka warbixin doonaan qaraxyadii iyo weerarkii caaawa muqdisho ka dhacay
waxaa iminka dagan xaalada guud ee caasimada,kadib qaraxyadii iyo weerarkii is xigay ee maqribnimadii caawa ka dhacay,waxana isgoysyada muqdisho buux dhaafiyey ciidamada dowlada soomaaliya oo ku howlan xaqiijinta amniga.