Qarax miino ayaa fiidnimadii Caawa xaafada Suuqa Xoolaha lagula eegtay ciidamo ka tirsan dowlada soomaaliya oo marayey wadada loo yaqaano biyo dageenka oo ka tirsan xaafada suuqa xoolaha ee dagmada Huriwaa.
Qaraxa kadib Ciidamada ayaa furay rasaaas xoogan,waxana ciidamadii qaraxa lala eegtay u soo gurmaday askar kale oo fariisin ku leh agagaarka goobta qaraxu ka dhacay.
Dhawaqa qaraxan miino ayaa si aad ah looga maqlay xaafada suuqa xoolaha iyo xaafadaha kale ee ku gadaaman,waxana ilaa iminka la xaqiijin karin khasaaraha rasmiga ah ee uu sababay.
Qaar ka mid ah dad ku nool xaafada suuqa xoolaha ayaa soo warinaya in iminka ay xaaladu tahay mid caadi kadib muddo daqiiqado ah oo ay ciidamadu xireen goobta uu qaraxu ka dhacay.
Laamaha amniga dowlada fedraalka soomaaliya ayaanan ilaa hada ka jaawabin khasaaraha ka dhashay qaraxaasi iyo halka ay ku sii jeedeen ciidamdii lala eegtay.