Bur bur aad u xoogan ayaa ka muuqdo goobtii xalay uu qaraxa ka dhacay ee Isgoyska Jubba, meel ku dhaw Hotelka Dorpin ee Magaalada Muqdisho.
Dad badan oo shacab ah ayaa ku dhintay qaraxaasi, waana meesha dowladda ay sheegtay khasaaraha ugu badan ee shacabka inuu ka dhashay, maadaama dad badan halkaasi ay maraayeen.
Wasiirka amniga Somaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa sheegay dad shacab ah oo qaarkood ka yimid dhanka Liido ,kuwaasi oo goobta qaraxa ka dhacay maraayay xilliga ay wax dhacayeen.
Si rasmi ah looma oga inta uu la eeg yahay khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ee ka dhashay gaariga ku qarxay nawaaxiga Isgoyska KM0, balse dowladda waxa ay sheegtay dad badan oo rayid ah inay halkaasi kud hinteen