DHAGEYSO:-Suldaan kamid ah Salaadiinta Somaliland oo Muqdisho lagu Xidhay

0

Senator Nuura Faarax Jaamac oo kamid ah Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya  ayaa sheegtay in Ciidamada Nabad sugidda Dowladda Federaalka ay xireen Suldaan Xaamud Suldaan Aadan Mataan oo kamid ah salaadiinta Somaliland ee Muqdisho ku sugan.

Waxa ay sheegtay in sababo la xiriira Wiil uu Suldaan Xaamud uu yahay Suldaanka Beesha loo Xukmiyay hanti ay sheegtay in ay dadkale isku heysteen, balse Ciidamada Dowladda ay xireen Wiilkaasi, kadibna Suldaanka uu isku dayay in soo daayo.

Xarunta Dambi Baarista Soomaaliya ee (C.I.D-da) ayay Senotar Nuura Sheegtay in ay kuwada xiran yihiin Wiilka iyo Suldaan Xaamud Suldaan Aadan Mataan oo laga daba xiray.