Rug Cadaa Saxaafadeed Oo ku Geeriyooday Magaalada London

0

Alle ha u naxariisto waxaa habeenimadii xalay ahayd Magaalada London ee dalka Ingiriiska ku geeriyooday wariye C/rashiid Ismaaciil oo ka mid ahaa rug cadaayaashii saxaafadeed ee bari samaadkii ka soo shaqeeyey radio muqdisho iyo tv qaranka soomaaliyeed

Wariyaha ayaa u geeriyooday xanuun kadis ah oo ku soo booday,waxana geeridiisa Allgalgaduud.net u xaqiijiyey wariye Abuukar Mahdi oo ay muddo ka wada tirsanaayeen tv-ga caalamiga ah ee Universal tv

Wariye c/rashiid ayaa sidoo kale la shaqeeyey tv-ga caalamiga ah ee Universal tv,isagoo tabin jiray barnaamijka Ra’yiga dad weynaha.

Fanaanka Soomaaliyeed Ee Cabdi Maaxi Muunye oo aan la xariirnay isla markaana ay saaxiibo dhaw ahaayeen wariyaha ayaa ka tacsiiyey geerida wariye C/rashiid waxana uu ku tilmaamay inuu ahaa marxuumka shaqsi dadka oo idil ay jecel yihiin afgaaban kuna wanaagsanaa xiriirinta ehelka iyo asaxaabtiisa.

Ugu danbeyntii ururka suxufiyiinta qaranka soomaaliyeed ee NUSOJ iyo bahda saxaafada soomaaliyeed ayaa ka tacsiiyey geerida naxdinta leh ee ku timid wariye C/rashiid Ismaaciil.

Hadaanu Nahay bahda Allgalgaduud.net Waxaanu leenahay INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJACUUN