siyaasiga soomaaliyeed ee salaad cali jeelle ayaa ka hadlay aragtidiisa ku aaden heshiiska dhexmaray maamulka somaliland iyo shirkada DP World ee laga leeyahay dalka imraadka,waxana uu si cad u cad u sheegay inuu ka soo horjeedo heshiiskaas isla markaana dowlada Imaaraadka dooneyso in ay wiiqdo midnimada soomaaliya
Salaad Cali Jeelle ayaa ugu baaqay dowlada dhexe ee soomaaliya in ay si cad u sheegto mowqifkeeda ku aadan heshiiskaasi,isagoo ku baaqay in dowlada soomaaliya ay xriirka u jarto dhigeeda imaaraadka hadii ay heshiiskaasi ka laaban waayaan
Salaad cali jeelle ayaa sidoo kale dowlada ku booriyey in imaaraadka ay ka dacweyso maxkamada weyn ee aduunka,waxana mid aan loo dulqaadan karin uu ku tilmaamay fara galinta ay imaaraadku ku hayaan gayiga soomaaliya.