Shirkii Golaha Wasiirada Maamulka Puntland oo uu shir Guddoominayay Madaxweynaha Maamulkaasi C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa looga hadlay Xaaladda Amniga iyo Abaaraha ka jira deegaanadaasi.
Amniga
Golaha Wasiirada Puntland ayaa marka hore sheegay in Xaaladda Amniga uu wacan yahay marka laga reebo Weerara Iyo Qaraxyada Xarakada Al-shabaab ay ka fuliyaan mararka qaar deeganada Puntland.
Xaaladda Abaaraha
Golaha Wasiirada Puntland ayaa si qoto dheer maanta uga dooday Xaaladda Abaaraha ee ku soo wajahan Puntland,waxayna Golaha cadeeyeen in Puntland ay ku sii siqeyso Waqtiyadii Adkaa ee Abaaraha,waxayna hadda Abaartu saameyn ku yeelatay 1.6-Milyan oo shacabka Puntland ah iyo 234 deegaan oo ka kala tirsan 9-Gobol oo Puntland ah,waxaana hadda xaaladaasi gaartay 103,000 Qoys,sidaasi daraateed loo baahan yahay in si wadajir ah loogu istaago si aysan faraha uga bixin.
Madaxweynaha maamulka Puntland Dr. C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa Golaha Wasiirada Puntland u sheegay in loo diyaargarowbo Abaarta,loona jiheeyo Qorshayaasha wax looga qabanayo Abaarta,wuxuuna madaxweynaha Puntland ugu baaqay shacabka Puntland gudo iyo dibad in loo istaago sidii loogu gurman lahaa dadka ay abaarta saameynta ku yeelato.