Wax badan Ka Ogow Shirkada DP-World, Iyo Saamaynta ay Ku Leedahay Caalamka.

0

Sanadkii 1999 Ayay Xukuumada Dubai Dhidibada U Taagtay Shirkada DP-World oo ah Shirkad kamid ah Shirkada Dubai Intarnational, Iyagoo Yoolka Shirkadaas ku Sheegay inay Tahy Shirlad ay Dubai Ku doonayso inay Ku Maalgashato Dakadaha Mandiqada, Waxaana Lagu Tiriyaa Shirkada DP-World Shirkad Kamid ah Shirkadaha Caalamka Ugu Waa weyn Ee Maamula Dakadaha Caalamka.

Waxay Kaloo DP-World ka Shaqysaa Bariga Iyo Cirka Iyo Sidoo kale Serviceyada Logestica ah Ee Ku Saabsan Qaybahaas Kor ku Xusan.

Waxaa Ka Shaqeeya Ku Dhowaad 97000 oo Shaqaale waxayna Ku Sugan yihiin Caalamkoo Dhan.

Bishii March Sanadkii 2006 waxay Shirkada DP-World La Wareegtay Milkiyada Shirkada (P&O) oo laga Lahaa Dalka Engriiska, Waxayna Ahay Shirkada 4aad ee ugu Wayn Caalamka Kana Shaqysa Gacan Ku Haynta Dakadaha. Waxayna ku Iibsatay Aduun Gaaraya 7Billion Oo Doolar.

Shirkada DP-World Waxay Mamushaa Dakado Ku Yaala Dalal Aad u Badan Oo ay Kamid yihiin:

Afrika: Waxay Ka Maamushaa Dakadaha 6 Dal.

Labada America: Waxay Ka Maamushaa 6 Dakadood.

Asia: Waxay Ka Maamushaa 9 Dal.

Yurub: Waxay Maamushaa Dakadaha iyo Australia.

Waxaa Ruqsada Shaqo Kala Noqday Shirkada DP-World Dalal Ay Kamid yihiin Yamrn iyo Jabuuti oo ku eedeeyay Curyaamin Ay Curyaaminaysay Shirkadaasi Shaqooyinka Dakadahaas.

Gunaanadkii Sanadkii Hore Ayay Ahayd markii Shirkada DP-World Ay Hishiisyo Gaar ah La Gashay Maamulada Somaliland Iyo Puntland Iyadoo Kula wareegtay Gacan Ku Haynta Dakadaha Bosaso iyo Barbara Mudo 30 Sano ah.

Bishii Hore Dhamaadkeedii Ayay Soo Shaac baxday Xiisad Ka Dhex Curatay Dawlada Faderaalka ah iyo Shirkada DP-World Kadib Hishiiskii ay La Galeen Maamulka Somaliland Nuqulkiisuna Ahaa In Dakada Ay Saami ku Yeeshaan Shirkada DP-World iyo Dalka Ethopia Iyo Sidoo kale Somali land.

Dawlada Fadaraalka ah ayaa ka gudbisay DP-World Dacwad Ka Dhan Ah iyadoo u Gudbisay Xoghayaha Guud Ee Jaamacada Carabta.

Qalinkii: Abdirahman Omar I Waberi