Ra’iisul wasaaraha dalka Hindiyaha Narendra Modi oo shir Gudoomiyay shir caalami ah oo looga hadlayay International solar sytem shirkaas oo ay ka soo qayb galeen madax aad u farabadan.
Madaxda shirkaas ka qayb gashay waxaa kamid ahaa dhaxal sugaha imaaraatka carabta Sheikh Hamed Bin Zayed Bin Al Nahyan, madaxwaynayaasha dalalka Sri Lankan, iyo Bangladeshi, asagoona sidookale kulamo la qaatay madax ka socotay dalalka Seychelles, Comoros, Guyana, Fiji, Djibouti, Somalia, Mali iyo Rwanda.
Dhanka soomaaliya waxaa shirkaas kaga qayb galay wafdi uu hogaaminayay Ra’iisul wasaare ku xigeenka soomaaliya Mahdi Guuleed Khadar.
Ra’iisul wasaaraha Hindiya Narendra Modi iyo Ra’iisul wasaare ku xigeenka soomaaliya Mahdi Guuleed Khadar. Ayaa kulan qaas ah oo ay ku yeesheen caasimada New-Delhi ayaa waxa ay kawada hadleen arimo farabadan oo ku aadan danaha labada dal.
Ra’iisul wasaaraha Hindiya iyo Ra’iisul wasaare ku xigeenka soomaaliya, oo qaatay kulan saacado socday ayaa waxa ay isla falan qeeyeen horumarinta iyo wanaajinta xiriirka ka dhaxeeyo labada dal.
Ra’iisul wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa dhankiisa balan qaaday in ay ka go’antahay garab siinta dowladda soomaaliya, asagoona hoosta ka xariiqay in soomaaliya uu ka caawindoono qaybo farabadan oo ay kamid tahay xiriirka iskaashi ee labada dal iyo dhanka diblumaasiyadda.
Shirkan gaarka ah oo ay yeesheen Ra’iisul wasaaraha Hindiya Narendra Modi iyo Ra’iisul wasaare ku xigeenka soomaaliya Mahdi Guuleed Khadar, ayaa lafilayaa in ay ka soo bixi doonaan natiijooyin la taaban karo oo ku aadan danaha labada dal.