Wasiir ku xigeenka Cadaalada Puntland oo ka bad baaday Shil Gaari (sawiro)

0

Duleedka magaalada Garowe ee caasimada Dawlada Puntland ayaa waxaa ka dhacay shil gaari oo sababay Dhawac saddex qof kuwaasoo qaar kamid ah ay culustahay xaaladooda.

Dhowr qof oo la socday Wasiir ku xigeenka Wasaarada Cadaalada dawlada Puntland Mudane Abdifatax Haassan Waloore ayaa shilkaasi gaari ku galay meel aan sidaas uga fogayn caasumada Garowe gaar ahaana halka loo yaqaan 22Aad oo ah Xeradda Ciidamada Darwiishta Puntland.

Buundo  Cusub oo labadii sanno lasoo dhaafay laga dhisay Duleedka Xeradaasi ayaa gaariga Wasiirku xigeenka ugu  Baxay Taayir xili ay aad u soconayeen sida ay sheegayaan qaar kamid ah dadkii la socday.

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Caadalada Puntland ayaa dhawac yar uu kasoo gaaray Feeraha halka dadkii la socday qaar kamid ah madaxa waxka gaareen halka midna gacan ka jabay mana jirto Wax dhimasho ah oo ka dhashay shilkaasi marka laga yimaado dhawaca culus.