Barasaabka Nairobi Mike Sonko ayaa amar ku bixiyay in dhammaan dhismeyaasha riinji la mariyo si qurux ay caasimadu u noqoto.
Wuxuu amray in 30 maalmood gudahood lagu riinjiyeeyo guryaha caasimada. Wuxuu sheegay barasaabku in hadii la fulin waayo amarkaas qasab lagu fulin doono.
Sharuucda maamulka Nairobi ayaa dhigaya in ay tahay in dhismeyaasha labadii sanaba mar la riinjiyeeyo. Bishii hore Sonko wuxuu sheegay in ay tahay in la qurxiyo caasimada Nairobi si maalgalin badan ay usoo jiidato.
Sidoo kale ayaa uu wadaa qorshe caws lagu beerayo hareeraha wadooyinka ee bartamaha Nairobi.
By mohamed somali.