Akhriso:-Boolis badan oo ka tirsan ciidamada kenya oo ku goodiyay inay shaqada ka tagi doonaan.

0

Qaar badan oo booliska Kenya ka tirsan ayaa ku goodiyay inay shaqada ka tagi doonaan kadib markii mushaaraadkooda iyo gunnooyinkii ay qaadan jireen aad loo dhimay.

Guddiga qaabilsan booliska ayaa asbuucii lasoo dhaafay dhimay mushaaraadka iyo gunnooyinka booliska ilaa kala bar. Saraakiisha booliska ayaa qaatay durba mushaaraadkoodii bishaan Maarso laakiin oo aad loo dhimay.

Waxaa loo soo marsiiyay iskaashatadooda ama Kenya Police Sacco. Ilaa 26 kun ayaa askarta booliska ah qaarkood laga dhimay. Mushaar dhimidda ayaa saamaysay kuwa heer jaamacadeed aqoontoodu gaarsiisan tahay.

Sidoo kale ayaa waxaa mushaar dhimiddu saamaysay kuwa ku dhaawacmay shaqooyinkooda intii ay ku guda jireen. Dhimidda ayaa timid kasokow amar maxkamadeed oo dawlada ku amraya in dhimidda aanan la samayn.

Amarka ayaa ka horjoogsanaya booliska naafada ah inay bixiyaan wax canshuuro ah sidoo kale hadiiba mushaarkoodu ka hooseeyo 150 kun ama uu 150 gaarsiisan yahay.

“Xaq maahan in la dhimo mushaaraadkeena ayada oo aan nala siin ogeysiisyo.” Mid ka mid ah askarta booliska ah yaa sidaasi yiri.

Kaliya kuwa shaqeeya 12 sano ayumbaa heli kara xaq markii ay shaqada ka fariisanayaan. Haatan ayaa lasoo tebinayaa in mushaar dhimiddu lidi ku tahay sharuucda ururka shaqaalaha ee QM ee ILO.

By. Mohamed. Somali.