Madaweyne ku Xigeenka Kenya William Ruto oo Lagu eedeyay Olole Siyaasadeed in uu Ka Bilaabay Dalka Ka Hor Doorashada Madaxtinimo ee Sanada 2022

0

Madaxweyne Ku Xigeenka Dalka Mr William Ruto ayaa Loogu Baaqay in Joojiyo Ololihiisa Siyaasadeed ee Ku aadan Doorashada Guud ee Dalka Ka Dhaceysa Sanada 2022-da.

 

Mudanaha Aqallka Hoose ee Degmada Saboti Caleb Amisi ayaa Waxaa uu Madaxweyne Ku Xigeenka Dalka ku Dhaleecyay in uu iska Hilmaamay Balan Qaadkii Xisbiga Jubulle Ka Hor Doorashadii Guud ee aheyd in ay u adeegi Doonan Muwaadiniinta Dalka.

 

Mr Caleb Amisi oo Maanta oo Isniin ah Warfidiyeenada Kula Hadlay Xarunta Barlamaanka ee Magaalada Caasimada ah ee Nairobi ayaa Madaxweyne Ku Xigeenka Ku eedeyay in uu iska indha Tirayo Balantii uu Qaaday uuna u Weecday Olole Siyaasadeed oo ku aadan Doorashada Soo Socota.

 

Waxaa uu sheegay in aan La Fulin Bilo Kadib Doorashii Xisbiga Jubulee Balamihii La Qaaday oo ay Ka Mid aheyd Cuno La Gaarsiiyo Dadka ay abaaruhu Diloodeen Ka shaqeynta Dhanka Nabed Gelyada iyo in Dhalinyarada Loo Abuuro Fursado shaqo.

 

Hadalka Dhaleeceynta ah ee Ka soo Yeeray Mudanahan Ka Tirsan Golaha Hoose ee Barlamaanka ayaa Waxaa uu Imaanayaa iyadoo Sadexdii Maalin ee La soo Dhaafay Madaxweyne Ku Xigeenka Dalka uu Socdaal Ku Maray ismaamulo Dhaca Gobolka Xeebta.

 

Mr Ruto ayaa intii uu Ku sugnaa Gobolka Xeebta Waxaa uu Soo Dhaweyn Diiraan Kala Kulmay Xildhibaanada iyo barasaabyada Laga soo Doortay Gobolka Xeebta ee ku Abtirsada Xisbiga ODM kuwaasi oo si Cad u Sheegay in ay Taageeri Doonan Doorashada Madaxtinimo ee Sanada 2022-da.

By mohamed somali.