Wararka gaarisa ka imanaya ayaa shegaya Waalidiinta kowntiga Gaarisa ney muujinayen cabsi isa soo tareysa oo ay ka qabaan suurta galnimada in carruurtooda laga xanibo isdiiwaangelinta waxbarashada iyadoo uu waqtigii loo qabtay kama dambeysta isdiiwaangelinta uu yahay bishan Maarso 31-keeda.
Howshan ayaa bilaabatay bishii Janaayo tani oo macnaheedu yahay in haddii aad carruurta u diiwaangeliso aadista iskuulaadka in lagu dari doono diiwaanka qaranka.
Waalidiintan oo ka kala yimid 6 kownti-hoosaad ayaa waxaa kowntiyadaas ka mib ah kowntiga Hulugho, kowntiga Balamabala, kowntiyada Lagdera, Dadaab, Ijara, Fafi iyo Garissa Township, waxaaa ay soo buuxdhaafiyeen xarunta Huduma Centre iyaga oo hooyooyinka iyo aabayaasha la arkayo in ay carruurtooda u raadinayaan warqadaha saxda ah ee carruurtoodu u baahan yihiin isdiiwangelintood.
Si kastaba, howsha ayaa loo raray dhankaa iyo qolka xafiiska ah ee si loo yareeyo iscarriiriga dadweynaha ka imaanayana. Cariiriga goobta dadku buuxo ayaa iyadana mashaqo kale noqotay.
Tani oo dhalisay in asbuucii hore mar kale xaruntii dib loogu celiyo kaamp-ka jiifka.
Isaga oo saxaafadda kula hadlayey magaalada Gaarisa ayaa, Hassan Osman, oo ka mid ah waalidiinta waxa uu sheegay in ay suurto gal noqon karto in boqolaal arday ah iridda laga xirto oo aaney helin howshii loo qaban lahaa sababtoo ah shaqalaha soo saaraya shahaadooyinka ayaa howshu ku cuslaatay kadib markii dad badan soo doonteen shahaadada.
“Dowladda waa in si deg deg ah u dhaqaaqdaa isla markaasina keentaa xal looga bixi karo dhibta na heysata oo faraha ka baxday” sidaasi waxaa sheegay Xasan Cumar.
“Waxaanu u soo jeedinaynaa in howshu aaney ku ekaanin kownti hoosaadyada balse laga kordhiyo shaqaalaha ka shaqeynaya shahaadooyinka.” ayaa uu Xasan intaasi ku daray.
By: mohamed somali.