SAWIR:- Markay Madaxdeennu Dhageysiga ka doorbidaan Qoraalka sidaan ayaa dhacda !

0

Aalaaba way fududahay inaad wax bedesho. Balse way kasii fududahay marka aad hoggaamiye u tahay umad dhan.

Ficillada qof kasta uu kusoo muuqdo, saameynta ay yeelanayaan waxaa go’aamiya heerka magac ama mansab oo qofku nolosha ka gaarsiisan yahay.

Waxaa jiray waqti Burkina Faso laga xiran jiray dhar lagu sameeyey gudihiisa. Suuf lagu beeray kadibna lagu sanceeyey dalka ayaa min madaxweyne ilaa muwaadin ka wada sinnaa xirashadiisa. Taasi waxay abuurtay laba mid: in ganacsatadu sameeyaan maal-gelin xoog leh oo dalku uu iskaga filnaado qeyb ahaan dharka dunida kale looga soo waarido iyo in muwaadiniintu ka xoroobaan fikradda caqli gumeysi ee Faransiiskii xukumi jiray.

Haddi madaxweynaha uusan ilaa shirarka Midowga Afrika kaga soo qeyb-gali lahayn dhar lagu sanceeyey gudaha dalkiisa, shacbigiisu magarowsadeen qiimaha hantidooda.

Si lamid ah Soomaaliya, Burkina Faso waxaa soo maray waqti ay 80% waxna aqriyaan waxna qoraan. Maanta waxay nagula jiraan 10-ka ee ugu hooseeya heerka wax aqriska iyo faqriga.

Qiyaas marka mas’uuliyiin dowladeed ay dhammaan wada buugaag iyo qalin la’aan ku yihiin mid kamid ah kulamo diblomaasiyadeed oo ay ka qeyb-galayaan?!

Uma socdo inaan is-weydiiyo heerka aqooneed oo ay gaarsiisan yihiin ama maqaam sharafeedka ay ku taagan yihiin. Mana dhayalsano qiimaha sare oo ay muwaadiniin ahaan nagu dhex leeyihiin.

Hayeeshe, waxaa ila hadlaya waa sawirrada. Inaan si degan ugu kuurgalo ayaana igu filan inaan kala baxo farriinta uu sido.

Hamoodin inaan gees kale u socdo….

Waxaan ogahay inaysan dhammaantood ka wada sinnayn hibada hal-jecleysi ee wax aqriska iyo dhigaalka. Way ii cadahay qaarkood inay qudwo lagu daydo u yihiin aqoonta ay ku gaaroobeen barashadeeda iyo waaya’aragnimadeeda. Inaysan mar walba muhiim u ahayn dhageysiga oo ay mararka qaar iga og yihiin waqtiga ay tahay in wax la qoro ama la dhageysto ayaan ogsoonahay. Waxaana qirayaa inay yihiin kuwa mudan inay qarankeenna ku metelaan tayadooda.

Balse mar walba oo aan deymada ugu roonaado sawirrkan waxay ii sheegayaan halka aan kala taagan nahay annaga iyo dalka iyo dadyowga kale. Waxay, sida muwaadin kalaba, iiga quus-dhebaysaa hiigsiga ah helidda umad mar labaad iyo kama danbeystaba kusoo if baxda – aqristayaal iyo qorayaal. Umad dib usoo celin karta dhaqan-gelinta aayadihii ugu horreeyey ee Suubanaha NNKH loogu wax-yooday kuwaas oo adkaynayay muhiimadda qoraalka iyo aqriska.

Ray Bradbury ayaa wuxuu leeyahay: uma baahnid inaad gubto buugaag badan si aad u dumiso dhaqan umadeed. Waxaa kugu filan inaad dadka ka joojiso inay wax aqriyaan.

Aragtida sawirkan madaxdeenna laga soo qaadayna waxay liifadda ugu yaraan – iguba colaadiye – u gaabinaysaa sida aan umadeenna uga guurin karno dhaqanka dhageysiga iyo hadalka ku siman: uguna diyaarin karno ilbaxnimada cusub ee wax qorista iyo aqrinta.

Kama qoomameeyeen haddii kuwa martida loo yahay muuqaal walba oo lagala soo qaaday – sida kuweenna oo kale – u noqon lahaayeen buugaag iyo qalin la’aan. Mana niyoodeen maqaalkan haddii mid kamid ah mas’uuliyiinteenna uu sida kuwa ay la fadhiyaan oo kale qalin iyo buug ku dhageysan lahaa xogta jirta.

Waxase dabka igu shidaya waa in iyagii martida loo ahaana ay qorayaan macluumada loo keenayo – innagii martida ahaynna aan qaafil uga nahay ama usoo erganin buug iyo qalin.

Haddii sida Thomas Sankara aan tusaale nool u noqonno dhiirri-gelinta shacbigeenna, waxaan hubaa in bulshadeenna u badan indha-ku-garaadlayda ay tartiib-tartiib ula qabsan karaan aqriska iyo qoraalka.

Waxaa kun jeer ka cudurdaaranayaa haddii dhanbaalkan kooban loo fasirto sida qaldan – qof iyo garaadkiis. Ku-tala-galkaygu wuxuu ahaa inaan iftiimiyo haddii aan u baahannahay sida madaxda kale in kuweennu ay si ficil ah u meteli karaan weerta caan baxday ee tiraahda: “Wixii qoran baa quruumo haree, muxuu hadal qiimo leeyahay?!”

F.G: Aragtidani liidata anigay ii gaar tahay. Mana ku metelayo qof iyo urur toona.

Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
Farriin-danabeed; hiraal86@gmail.com.