AKHRISO:- Duqeyn mar kale ka dhacday gobolka Mudug

0

Wararkan ka helayno degaanka Maamiye oo u dhaxeeya Camaara iyo Caad ee degmada Xarardheere gobolka Mudug ayaa sheegaya in Markale xalay diyaarad dagaal ay halkaasi duqeyn geysatay.

Qaar ka mid ah dadka degaanka ayaa xaqiijiyay in markale diyaarad dagaal ay dhowr Madfac ay ku dhufatay saldhig ay leeyihiin Ururka Al-Shabaab oo ku yaalla degaankaasi.

Waxaa duqeyntaasi ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jiro walloow weli aan la xaqiijin tirada rasmiga ah ee ku waxyeelowday.

19 Bishaan ayay aheyd markii diyaarado dagaal ay duqeymo xooggan ay la beegsadeen degaanada xalay la duqeeyay, waxaana taliska Mareykanka uu sheegay in duqeyntaasi lagu dilay in ka badan 40 dagaallame.