SAWIRO:- Axmed Madoobe oo dhoolotus kasameyeey kismaayo

0

Hogaamiyaha Maamulka Jubbaland ayaa diyaar garowgii ugu dambeeyay ugu jirta duulaanka Gobolka Jubadda Dhexe, iyadoo maanta Kismaayo lagu soo bandhigay dhoolatus ciida

Hogaamiyaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam”Axmed Madoobe” oo ay weheliyaan Taliyayaasha Ciidamada ugu sareeya iyo qaar kamid ah Mas’uuliyiinta Jubbaland waxaa uu kormeeray Ciidamadan oo ay kamid yihiin qaybo loogu tala galay Xasilinta iyo sugida Amniga Magaalada Kismaayo inta ay howlgaladu socdaan isagoo ku booriyay in ay u diyaar garoobaan howlgalo qorshaysan iyo abaabulka Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Ciidamadan ayaa waxaa ay ku soo bandhigeen dhoolatus wadooyinka waaweyn ee magaalada Kismaayo iyagoo isugu jirey Boolis iyo Millateri kuwaas oo qaarkood watay Gaadiidka gaashaaman.

Hogaamiyaha Jubbaland ayaa sheegay ciidamadan ay ka saari doonaan degmooyinka Jilib iyo Badhaadhe oo ka kala tirsan Jubbada Hoose iyo Jubbada dhexe.

Hogaamiyaha Madaxweynaha Jubbaland xusay in mudo dheer ay sugayeen in la bilaabo howlgalka xoraynta Jubbada Dhexe balse ay in badan ka cago jiidayeen Ciidamada AMISOM taas oo la mid ah howlgalkii lagu xoreeyay Magaalada Kismaayo iyo Degmooyinka kale ee Jubbaland oo markii ay dhaqaaqi waayeen Ciidamada AMISOM ay howlgalka bilaabeen Ciidamada Soomaalida oo kaliya.

Hogaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa dhowaan magacaabay guddoomiye cusub gobolka Jubbada Dhexe sidoo kale waxa uu magacaabay taliyaha ciidamada howlgalada ka bilaabaya deegaano ka tirsan Jubbada Dhexe.