QORMO:- DEGDEGSIIYAHA, DIMUQRAADDIYADDII SHALAY IYO FEDERAALKA MAANTA

0

Sida ilmaha dhashay ay u maraan maraaxil koritaan oo is xigxiga (developmental stages) sida dhabacasho, xamaarasho, guurguurasho, socod iyo orod ayay wax walba oo biloow lihi u maraan maraaxishaa illaa ay ka qaan-gaaraan ama ka bislaadaan.

Soomaalidu marbay ahayd dimuqraadiyadda ugu magaca dheer qaaradda Africa. Waxannu haysannay dimuqraadiyad curdan ah oo ay hoggaaminayeen dad niyad-samidooda maanta aad looga sheekeeyo duruufo badanna lagu tabay. Dabcan khaladaad badan ayaa ka dhex jiray dimuqraadiyaddaas haseyeeshee inta badan khaladaadkaasi ma ahayn kuwo ku talagal ehe waxay eersanayeen aqoon yari iyo kaadiriinta oo nagu yaraa. Ayaan-darro waan degdegnay ilmihii yaraa ee noo kobcayayna waxan ku eedeeynay In uu ordi waayay markaasaannu dilnay.

Faa’idada kaliya ee aadanuhu khaladka ka helo waa in uu wax ka barto oo aan lagu celin. Soomaalidu mar kale ayay degdegsan tahay. Hannaanka Federaaleeyntu maaha mid si fudud loogu heshiiyo si fududna u qaan-gaara. Dalalka Galbeedka qaar ayay 100 sano ku qaadatay dooddu, qaarna weli waa u socotaa. Waxa ugu yar ee haddaannu nahay Soomaali aannu ka faa’idnay waa in aannu yeelanay magaalooyin aad u waawayn oo dhamaantood bixiya adeegyo iyo, waa tan ugu muhiimsane, in gabi ahaanba meesha ay ka baxday awood hal magaalo taalla, wax walba gacanta ku haysa, dalka oo idilna afka u ridi karta sidii kal horeba dhacday.

Runtii Soomaalidu mar kale ayay degdeg santahay oo ay rabtaa In hannaankeeda Federaal uu u dhaqmo sida kuwa qaan-gaaray. Waxa habboon in hannaankan curdanka ah loo dhimriyo, loona oggolaado in uu si miyir qab ah u koro si aan hadhoow looga shallaayin.

Bacdamaa aanan hannaankii dhexe dib loogu noqonayn, waxa habboon in mar walba maanka lagu hayo in labada baddiil ee miiska la saaran kan Federaalka yihiin kusii jiridda xaaladda fowdada iyo tiiha ama Soomaaliya oo u kala jajabta dawlado yaryar oo iyaga isku col iyo cadaawe ah.

BY Abdusalam Mohamud Jama