Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ee UNSOM ayaa qoraal uu soo saaray oo ku saabsan cudurka Coronavirus ee Soomaaliya, waxa uu farriin ugu diray ururka Al-Shabaab oo dagaal kula jira dowladda Soomaaliya iyo taageerayaasheeda.
Ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan ayaa sheegay in ay ku celinayaan baaqa xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ee ah “xabad-joojin caalami ah oo meel la isaga dhigayo rabshadaha, is-aaminaad la’aanta, cadaawadda iyo naceybka.”
“Halkan Soomaaliya, Qaramada Midoobey waxay ku baaqeysaa in la joojiyo dhammaan ficillada rabshadaha iyo argagixisada, si dhammaan kheyraadka iyo taageerada loogu jiheeyo dagaalka ka dhanka ah COVID-19” ayaa lagu yiri qoraalka James Swan.
Qoraalka ayaa sidoo kale lagu yiri, “Tani waa muhiim si caawimaadda lagu bad-baadinayo noloshada loo gaarsiiyo bulshooyinka dalka oo dhan”.
James Swan ayaa sheegay in bahda Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ay garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed xilliga dhibka badan, ayna sii wadi doonaan taageerada wax looga qabanayo saameynta caafimaad iyo midda dhaqaale ee cudurka COVID-19.
“Waa inaan dhammaanteen u midownaa inaan ka hor tagno faafitaanka cudurkan. Waxaan si gaar ah ugu baahannahay inaan dareen gaar ah ku bixino kuwa ugu baylahan bulshadeena, oo ay ku jiraan barakacayaasha, dadka xanuunsan iyo dadka da’da ah,” ayaa lagu yiri qorlaakan kasoo baxay xaafiiska wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.
Ugu dambeyntii Qaramada Midoobey ayaa ugu baaqday in dadka Soomaaliyeed oo dhan ay isugu yimaadaan dagaalka ka dhanka ah cudur Coronavirus oo dunida ku haya dhibaato ba’an.