Ciidamo katirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo Xubno kamid ah Ururka Al-Shabaab ayaa haatan ku dagaalamaya degaanka Shaatolow oo hoostaga degmada luuq ee Gobolka Gedo.
Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Ciidamada dowladda ay howlgal ka bilaabeen wadada u dhaxeeysa degmooyinka Dooloow & luuq ee Gobolka Gedo ay weerar kala kulmeen Xubno katirsan Al-Shabaab.
Khasaaro kalan duwan ayaa la sheegay in uu ka dhashay dagaalka, waxaana dadka degaanka ay sheegeen inay maqlayaan dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayaan labada dhinac.
Masuuliyiinta Maamulka Gedo iyo Saraakiisha Ciidamada ugu sareyso ayaa maalmihii la soo dhaafay ku go’doonsanaa wadada u dhaxeeysa Doolow iyo luuq kadib markii ay wadada jareen Al-Shabaab.