AKHRISO:- Dowladda oo soo bandhigtay Xubin katirsan Al-Shabaab oo isku soo dhiibay

0

Abshir Axmed Macalin oo muddo ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab ayaa maanta isku soo dhiibay Ciidamada qeybta 60-aad ee xoogga dalka Soomaaliyeed ee ka howlgalla degaannada Maamulka Koonfur Galbeed.

Ninkaan ayaa ka tirsanaa qeybta ay Al-Shabaab ugu yeerto Jabhadaha, wuxuuna sheegay inuu ka soo dagaalamay qeybo kamid ah gobolka Baay oo ay ku sugan yihiin Ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ee howlgalka ATMIS.

Abshir ayaa sheegay inuu u dul-qaada waayey dhibaatada duurka ku heysata Al-Shabaab dhibaatada joogtada ah ee shacabka aan waxaba galabsan ay ku hayaan, wuxuuna raggii kala tirsanaa ugu baaqay inay isaga soo tagaan.