AKHRISO:- Diyaaradaha Kenya oo duqeyn ka geystay degaano katirsan gobolka Gedo iyo khasaaro ka dhashay

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ee dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa a sheegayaan in diyaaradaha dagaalka dowladda Kenya ay saacadihii la soo dhaafay duqeymo dhinaca cirka ka geysteen degaanka Ceel-Cadde ee Gobolkaasi Gedo.

Duqeymaha oo soo billaawday xalay ayaa saaka markale ay diyaaradaha dagaalka Kenya ka geysteen degaanka Ceel-cadde, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawacay.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay Risaala u sheegay in duqeynta ay ku geeriyoodeen ilaa laba ruux oo kala ahaa Wadaad lagu Magacaabo Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Cabdullaahi oo la dhashay Sheekhii weeynaa ee Sheekh Aadan Sheekh Cabdulaahi iyo Nin Magaciisa lagu soo koobay Miskiinow.

Laamaha Amniga iyo Maamulka gobolka Gedo ayaan weli ka hadlin duqeynta ay Ciidamada Kenya kudileen dadka Shacabka ah, waxaana dhowr jeer sidaan oo kale ay ciidamada Kenya duqeymo ay ka geysteen degaano katirsan gobolka Gedo ay kudileen dad Shacab ah.