AKHRISO:- Ciidamada dowladda oo dib uga soo baxay Magaalo ay qabsadeen & Al-Shabaab oo la wareegay

0

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo garab ka helayay ciidamada maamulka Jubbaland ayaa shalay la wareegay magaalada Xagar ee gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo sannadihii ugu dambeeyay maamulayeen Al Shabaab, balse la sheegay inay isaga baxeen.

Wararka saaka la helay ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay dib ugu so laabteen magaalada Xagar kadib markii Ciidamada Huwanta ah isaga soo baxeen, sida ay Risaala u sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Shalar markii ay Ciidamada la wareegeen Magaalada Xagar ayaa Saraakiisha ciidamada hoggaamineysay ay meel isugu keeneen qaar badan oo kamid ah dadka deegaanka, iyaga oo shacabka ka codsadeen in aysan la shaqeen Al-Shabaab ayna soo dhaweeyaan Ciidamada.

Dhinaca kale warbaahinta afka Al Shabaab ku hadasha ayaa shaaciyay in ciidamada huwanta ah la wareegay magaalada Xagar dib uga baxeen, waxa ayna sheegeen in Al Shabaab mar kale dib ugu laabteen magaaladaasi.

Taliska Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaan weli wax faah faahin ah ka bixin sababta ay Ciidamad dib uga soo laabteen Magaalada Xagar, hayeeshee dhowr jeer ay sidaan oo kale Ciidamada uga soo baxeen degaano ay qabsadeen.