Wararka naga soo gaaraya degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo ayaa waxaa ay sheegayaan in degaanka Oodan oo kamid ah tuulooyinka hoos yimaada Dagmadaas ay Haweeneey tooreey ku dishay Haweeneey kale oo ay deris ahaayeen.
Haweeneyda la dilay oo lagu Magacaabi jiray Nasro Cabduqaadir Maxamed ayaa meydkeeda waxaa la geeyay Isbitaalka Kaliil ee degmada beledxaawo, sida ay Risaala u sheegeen dad goobjoogayaal ah.
Mas’uuliyiin katirsan laamaha Amniga degmada Beledxaawo ayaa labada Haweenka ah uu ka hor dilka dhexmaray muran xoogan, kaas oo aan la ogeyn waxa uu salka ku haayo, balse Haweeneyda dilka geysatay oo lagu Magacaabo Calaso Muxumed ay goobta ka baxsatay.
Qaar kamid ah Ehellada Haweeneyda la dilay ayaa laamaha amniga Gobolka Gedo ka dalbaday inay Cadaalad u heleen dilkaas, isla markaana ay gacanta kusoo dhigaan Haweeneyda Tooreyda ku dishay Gabadhooda.
Wararka naga soo gaaraya degaanka Oodan oo uu dilka ka dhacay ayaa sheegaya in laamaha Amniga degaankaas ay ku raad joogaan Haweeneeyda dilka geystay, taas oo la sheegay inay ku dhuumaaleysaneyso degaano kale oo hoostaga degmada Baladxaawo ee Gobolka Gedo.
Dadka kunool degmada Beledxaawo iyo degaannada hoostaga ayaa aad u hadal haayo dilka Tooreyda ah ee Haweneyda loo geystay, falkaas oo kamid ah falalka aadka ugu yar yihiin inay ka dhacaan Gobolka Gedo.