AKHRISO:- Faah faahin kasoo baxeysa dagaal dhexmaray Ciidamada Kenya iyo Al-Shabaab

0

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan dagaal geystay khasaaro kala duwan oo duleedka Magaalada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Bari ku dhexmaray Ciidamo katirsan kuwa Kenya iyo Xubo kamid ah Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa waxaa uu yimid kadib markii sida la sheegay Xubno katirsan Al-Shabaab ay weerar qarax ku billaawday oo jidgal ahaa ay ku qaadeen Kolonyo Gaadiid ah oo ay wateen Ciidamada Kenya, xilli ay marayeen inta u dhaxeysa degaannada Calin Jugur & Weel-Mareer ee Magalada Gaarisa.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalka wallow aan si faah faahsan loo helin tirade dadka ku waxyeeloobay, hayeeshee gobjoogayaal ay sheegeen inay maqlayeen dagaalka ka hor jugta qarax lala beegsaday Kolonyada Ciidamada Kenya.

Al-Shabaab oo ka hadlay dagaalka ka dhacay duleedka Magaalada Gaarisa ayaa Warar ay ku qoreen Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka waxaa ay ku heegteen inay dagaalkaas iyo qaraxa ku gubeen Gaari Cabdi Bille ah iyo Booyada ay wateen Ciidamada Kenya, in kastoo aysan jirin warar madax bannaan oo xaqiijinaya sheegashada Al-Shabaab.

Saraakiisha Ciidamada Kenya ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaan weli ka hadlin weerarkaas, hayeeshee weerarada ay Al-Shabaab ka fulinayaan Gobolka Waqooyi Bari ayaa waxaa ay dib u dhigtay dowladda Kenya oo qorsheyneysay inay dib u furtay xadka ay la wadaagto Soomaaliya.

Dhowrkii Bilood ee la soo dhaafay Al-Shabaab ayaa kordhiyay weerarada ay ka geysanayaan degaannada katirsan Gobolka Waqooyi Bari, taas oo keentay in Ciidamada Kenya ay kordhiyaan howlgallada ay fuliyaan.