AKHRISO:- Kooxda Taliban oo dalka Afgaanistaan ka mamnuucday dowladda Sweden

0

War qoraal ah oo kasoo baxay Imaaradda islaamiga ah ayaa lagu yiri “Kadib markii Sweden ay aflagaadeysay Quraanka Kariimka ah iyo caqiidada, Imaarada Islaamiga waxay joojisay howlihii Sweden ay ka waday Afgaanistaan ​​ilaa ay ka raali gelinayaan muslimiinta falkaas foosha xun.”

Gubista kitaabka barakeysan ee islaamka oo uu gubay qof– qaxooti ah oo u dhashay Ciraaq.

Maalintii koobaad ee ku beegneyd Ciidul Adxa ayaa carro badan ka dhalisay dunida Muslimka – waxaana dalal dhowr ah ka dhacay dibadbaxyo. Inta badan dowladaha Muslimka ayaa u yeertay safiiradaooda Sweden u jooga si ay u ugu gudbiyaan cambaareyntooda – waxaana qaarkood ay ku baaqeen in la qaadaco wax soo saarka Sweden si looga jawaabo.

Safaaradda Sweden ee Kabul ayaa xiran tan iyo markii Taliban ay la wareegeen ku dhawaad ​​labo sano ka hor. Balse amarka Taliban ayaa loo badinayaa inuu saameyn ku yeesho guddiga Sweden u qaabilsan Afghanistan. Waa hay’ad bini’aadantinimo – oo ay ku jiraan dhawr kun oo shaqaale ah oo ka shaqeeya caafimaadka, waxbarashada iyo horumarinta reer miyiga.