AKHRISO:- Ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland oo howlgal kudilay Xubno katirsan Al-Shabaab

0

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Kumandooska DANAB oo kaashanaya kuwa dowlad Goboleedka Maamulka Jubbaland ayaa saacadihii la soo dhaafay weerar waxaa ay ku qaadeen Saldhigyo Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ku lahaayeen duleedka degaanka Weelmaaro oo katirsan Gobolka Jubbada Hoose.

Maalmihii la soo dhaafay Ciidamada huwanta ah ayaa waday howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab, iyaga oo degaano dhowr ah la wareegay, waxaana howlgalka ka dhacay duleedka degaanka Weelmaaro ay sheegeen Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka in lagu dily 17 katirsan Al-Shabaab.

Sidoo kale Sarakiisha Ciidamada xoogga dalka waxaa ay sheegeen in Xubnaha katirsan Al-Shabaab ee howlgalka lagu dilay ay dhawaan kasoo baxeen Xero lagu tababaro dadka loo diyaarinayo inay is qarxiyaan oo kutaalla degaanka Caanoole ee duleedka Degmada Bu’aale ee gobolka Jubbada dhexe.

Dowladda Soomaaliya ayaa Baraha Bulshada kusoo bandhigtay Sawirada qaar kamid ah raga ka tirsanaa Al-Shabaab ee howlgalka lagu dilay, kuwaas oo ay sheegtay in taleefoonadooda laga helay, isla markaana ay ahaayeen raggii loo tababaray inay is qarxiyaan.

Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Maamulka Jubbaland ayaa waxaa ay sheegeen inay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, iyada oo qorshahoodu uu yahay inay la wareegay Degmada Bu’aale ee gobolka Jubbada dhexe, halkaas oo Xarumo waaweyn ay ku leeyihiin Ururka Al-Shabaab.

Dhowrkii sano ee la soo dhaafay ayaa waxaa Al-Shabaab ay aad ugu xooganayeen degaano iyo degmooyin katirsan Gobolada Jubbooyinka, hayeeshee dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland ay sheegeen inay ka saarayaan si ay u maamulaan.