Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan dagaal beeleed xooggan oo ka dhacay miyiga degaanka Dhaal-maygaag oo ka tirsan Gobolka Togdheer., kas oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu salka ku haayo arrimo la xiriira muran dhuleed uu muddooyinkii danbe ka taagnaa miyigaas Dhaal-maygaag oo u dhexeeya degaanada Horyaal iyo Qorilugud.
Dhinacyada dagaallamaya ayaa ka soo kala jeeda labada maamul ee SSC-Khaatumo iyo Somaliland, waxaana inta la xaqiijiyay dagaalkaas ku dhintay laba Ruux halka Saddex kale ay ku dhaawcmeen.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay Warbaahinta u sheegeen in weli xaalad kacsanana ah laga dareemayo degaannadii lagu dagaalamay ee Gobolka Togdheer, halkaas oo dhowr jeer dhinacyadu ay ku dagaalameen.
Mamaulka Gobolka Togdheer ee Somaliland ayaan weli wax faah faahin ah ka bixin dagaal Beeleedkaas, hayeeshee warraka la helayo ayaa sheegaya in saacadha soo socda ay u diri donaan Ciidamo iyo Odayaal dhaqan si ay u kala dhex galaan.