Wararka ka imaanaya Gobolka Galgadud ayaa sheegaya in Ciidamada Dawlada Federaalka oo kaashanaya kuwa degaanka ay Halwgallo ka dhan ah Alshabaab ka sameyeen degaano ka tirsan Bariga Gobolka Galgaduud.
Ciidamada kumaandooska Xoogga dalka ee Danab iyo Ciidamada Degaanka ayaa Hawlgallo ka dhan ah Alshabaab ka sameeyay Degaanka Bubud ee hoostaga degmada Galcad ee goblka Galgaduud.
Sidoo kale’ Wararka aya sheegaya in Cuudamada Danab iyo kuwa degaanka ay weerar gaadmo ah ku qaadeen Saldhig ay Alshabaab ka soo Abaabuli jireen Weerarada ay ka geystaan Bariga gobolka Gaduud.
Lama Oga haddii uu weerarkan ka dhashay khasaare balse Halwgalka ayaa waxaa bar bar socdaysida la sheegay Duqayn lala eegtaay Saldhig Alshabaab ay halkaasi ku lahaayeen.
Dhinaca kale’ Ciidamada Dawlada iyo kuwa degaanka ayaa sidoo kale Hawlgalka fuliyay Xadka u dhexeya gobolada Hiirtaan iyo shabeelada Dhexe.