AKHRISO:- Israa’iil oo ka carootay ninka loo oggolaaday in uu gubo kitaabada Towreedka iyo Baybalka

0

Mas’uuliyiinta Israa’iil ayaa ugu baaqay dowladda Sweden in ay joojiso mudaaharaadka lagu gubayo kitaabada Towreedka iyo Baybalka, kaas oo lagu wado in uu maanta ka dhaco meel ka baxsan xafiiska diblomaasiyadda.

Madaxweynaha Israa’iil ayaa yiri “Anigoo ah madaxweynaha dawladda Israa’iil, waxaan cambaareeyay gubitaanka Quraanka, oo ah mid muqadas u ah Muslimiinta adduunka oo dhan, waxaana hadda aad uga xumaaday in isla qaddarkaas uu sugayo Baybalka Yuhuudda, oo ah kitaabka daa’imka ah ee Yuhuudda,” Isaac Herzog ayaa sidaas ku yiri bayaan.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Israa’iil Eli Cohen ayaa sheegay in uu ugu baaqayo mas’uuliyiinta Sweden in ay ka hortagaan dhacdadan foosha xun oo aysan ogolaan in la gubo kitaabka Tawreed-ka.

Golaha Jaaliyadaha Yuhuuda ee Sweden ayaa ka xumaaday go’aanka booliiska ee lagu fasaxay mudaaharaadka uu dhaco.

Bishii la soo dhaafay, magangelyo doon u dhashay dalka Ciraaq oo Masiixi ah ayaa kitaabka Qur’aanka Kariimka ku gubay bannaanka Masjid ku yalla Stockholm, xilli lagu jiray munaasibadda Ciidda Ciidul-Adxa ee ugu weyn Muslimiinta, taasoo dhalisay cambaareyn ballaaran oo Caalamka Islaamka ka dhacday.