AKHRISO:-Gudoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo Gudoomiyay Kulan Wadajir ah oo Xildhibaanada Labada Gole ay yeesheen

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheikh Aadan Mohamed Nur Madobe ayaa maanta shir guddoomiyay kalfadhiga seddaxaad kulankiisa 2-aad ee wadajirka ah oo ajandihiisu ahaa akhrinta 1-aad ee xeerka ku noqoshada miisaaniyada 2023-ka.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog Guddoomiye Ku-xigeenka Kowaad ee Aqalka Sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Mudane Cabdullaahi Xirsi Timacade. Waxaa fadhiga Golaha looga hadlay akhrinta koowaad ee xeerka ku noqoshada Miisaaniyadda 2023-ka, waxaana xildhibaannadu ay su’aalo weeydiiyeen Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige

Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa sharraxaad ka bixiyay waxqadka iyo maareynta misaaniyadda sanadka, waxaana uu ka jawaabay dhammaan su’aalihii ay xildhibaanadu weeydiiyeen

Gunnaanadka kulankan wadajirka ah waxaa uu Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe sheegay in xeerka qoondaha ku noqoshada miisaaniyada 2023-ka la soo akhriyo waxaana lagu wareejiyay Guddiga Maaliyadda Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya

Dhanka kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa shir guddoomiyay kulanka 9-aad ee Golaha Shacabka BJFS, waxaana uu ajandihiisu ahaa qeybinta Hindise Sharciyeedka Hantida Dhowrka Qaranka, waxaana uu Guddoomiyuhu sheegay in kulankan uu yahay qeybin kaliya balse kulanka dambe loogu doodi doono hindise sharciyeedka.