Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa kulan is-xog wareysi ah la qaatay qaybaha kala duwan ee bulshada ku nool degmada Doolow ee Gobolka Gedo.
Kulanka ayaa waxaa goobjoog ahaa xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo Golaha Wakiilada Jubbaland, Maamulka Gobolka Gado iyo Kan degmada Doolow, waxaana diirada lagu saaray sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynta Madaxda sare ee Jubbaland, Maamulada degmooyinka Gobolka Gedo iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Gobolkaas.
Mas’uuliyiintii kala duwanaa e ka qeyb galay kulanka iyo qeybaha kale ee bulshada Gobolka Gedo ayaa kulanka isku dhaafsaday aragtiyo kala duwan oo ku saabsanaa sidii ay u miradhali lahaayeen hagaajinta xiriirka Madaxda Jubbaland iyo Madaxda Gobolka Gedo.
Madaxweyne Ku-xigeenka Koowaad ee dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamud Sayid Aadan ayaaka dalbaday Shacabka Gobolka Gedo inay kula xisaabtaan Madaxda Jubbaland xaquuqda ay ku leeyihiin, isla markaana iyaga ay leeyihiin awood buuxda.
Madaxweyne Ku-xigeenka Koowaad ee dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamud Sayid Aadan ayaa shir Gudoomiyay Shirka Amniga Degmada Doolow ee Gobolka Gedo, kaas oo ay Goob Joog ka ahaayeen Xubno ka Tirsan Golaha Wasiirada Jubbaland, Maamulka Gobolka Gedo, kan Degmada Doolow,Taliyayaasha Ciidamada Militiriga, Nabad sugidda iyo Boliska ee Gobolka Gado.
Shirka ayaa inta badan Looga Hadlayay Ka qayb Qaadashada Wajiga Labaad ee la DagaalKA ka dhanka ah Al-Shabaab, iyada oo intii uu kulanku socday hoosta laga xarriiqay sida ay lagama maarmaanka u tahay in shacabka iyo ciidanka Gobolka Gedo ay ka qayb qaataan la dagaalanka Al-Shabaab