Guddiga kormeerka Xabad Joojinta iyo kala qaadistii ciidamo Beeleedkii ku dagaalamay inta u dhaxeysa degmooyinka Raage-Ceelle iyo Cadale ayaa maanta kormeer xaqiijin dhaqan-galka heshiiska ah ku tagay goobihii lagu dagaalamay todobaadkii lasoo dhaafay.
Guddigaan oo ka kooban Wasiirada Arrimaha Gudaha, Maaliyadda iyo Dib u heshiisiinta islamarkaana ay wehliyaan Xildhibaanada Baarlamaanka HirShabeelle ku matala labada beel, maamulka Gobalka iyo maamulada degmooyinka ayaa degaanada Buus Muluq, Geyfo, Ceel Xarar iyo Bursho Sheekh oo ah meelihii lagu balamay in ciidamada labada dhinac la geeyo.
Xaalad daganaansho ah iyo jawi nabadeed ayaa laga dareemayaa degaanadii maalmahaan colaadda ka taagneed waxaana la filayaa in dhowaan si rasmi ah u bilaawdo wadahadalada beelaha Cabadalla Caroone iyo Maxamed Muuse oo dhaxmartay colaad ay ku dhinteen dad badan.