AKHRISO:- Somaliland & xoogagga SSC oo Ciidamo horleh keenay duleedka Laas-Caanood & xiisad ka taagan

0

Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa Somaliland iyo Xoogagga SSC oo bilihii la soo dhaafay ku dagaalamayay duleedka Magaalada Laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool ay keeneen Ciidamo aad u farabadan iyo Gaadiidka dagaalka noocyadooda kala duwan, kuwaas oo ka kala yimid dhnacyada degaannada Puntland iyo Somaliland.

Ciidamadaan oo lagu soo dhaweeyay Goobaha ay isku hor-fadhiyaan labada Ciidan ayaa waxaa ay ka kala yimaadeen Gobolada So, Bari oo xoogagga SSC ay Ciidamo farabadan oo qaarkood hab beeleed u abaabulan uga yimaadeen iyo Somaliland oo ka keentay degaano katirsan Gobolka Sool.

Goobjoogayaal ku sugan duleedka Magalada Laas-Caanood ayaa Warbaahinta u sheegay in saaka ilaa xalay oo Ciidamada ay soo gaarayeen duleedka Magaalada Laas-Caanood la dareemayo xiisad colaadeed, isla markaana markasta la filan karo inay dhinacyadu dagaalamaan.

Xogaha laga helayo Saldhigyada Ciidamada Somaliland iyo kuwa Xoogagga SSC ayaa sheegaya inay halkaasi ka socdaan dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo labada dhinac ah, taasina ay cabsi ku abuurtay Bulshada kunool degaannada hoostaga Magaalada Laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool.

Dhowrkii Bilood ee la soo dhaafay ayaa waxaa duleedka Magaalada Laas-Caanood ku dagaalamayay Ciidamada Somaliland oo doonayay inay xoog ku qabsadaan Magaalada Laas-Caanood iyo xoogagga SSC oo ka difaacaya, waxaana dagaalkooda dhimasho iyo dhaawac ku noqdaan in ka badan 200 oo Ruux, halka boqolaal kale ay ku barakaceen.