AKHRISO:- Shixnado Qamadi oo lacag la’aan oo lo soo daabulayo Somalia

0

Madaxweynaha dalka Raashiya, Vladimir Putin ayaa sheegay inay diyaar noqon doonto in Shixnadaha Qamadiga ee Lacag La’aanta la soo daabulo muddo 3 ilaa 4 bilood ah.

Madaxweynaha oo ka hadlay Shirweynaha Madaxda Raashiya iyo dalalka Afrika ee ka furmay magaalladda St. Petersburg, wuxuuna xusay inay Shixnadaha Qamadiga ee lacag La’aanta u soo diri doonaan dalalka Somalia, Eritrea, Mali, Burkina Faso iyo Afrikada Dhexe.

Waxa uu xusay in dalalkaasi midkiiba la gaarsiin doono Shixnado Qamadi oo lacag la’aan ah, oo culayskooda u dhexeeyo 25,000 ilaa 50,000 oo Tan.

Madaxweyne Putin waxa kale oo uu xusay inay Dowladda Raashiya dhabarka u ridan doonto Kharajka Kirada ee Maraakiibta Shixnadaha Qamadiga soo gaarsiin doona dalalka Somalia, Eritrea, Burkina Faso, Zimbabwe, Mali iyo Afrikada Dhexe.

Si kastaba, Hadalka Madaxweyne Putin waxa uu ku soo beegmay hal isbuuc kadib, markii ay Dowladda Raashiya ku gacan saartay Qorshe Dib loogu cusbooneysiin lahaa Heshiiska loogu oggolaaday Shixnadaha Qamadiga Ukraine ee ka soo gudbi jirey Badda Madow.

Heshiiskaasi waxaa horey u fududeeyey QM iyo Dowladda Türkiye, si Shixnadaha Qamadiga Ukraine loo gaarsiin lahaa dalalka ugu saboolsan Caalamka ee ay Cunto-Yarida ka jirto.