AKHRISO:- Xiisad ka Taagan gobolka Saaxil iyo Soomaaliland oo Ciidamo geysay

0

Wararka imaanata Buurta Gacan-libaax ee gobolka Saaxil ee Somaliland, ayaa sheegya Xiisad dagaal halkaas ay ka taagan tahay .

Kooxo Maleeshiyo oo isku Aruursatay halkaas ayaa uga dhaawaqday Jabhad Mucaarad ku ah Soomaaliland.

Afhayeen u hadlay jabhadaas oo lagu magacaabo Axmed Cali Haybe, , ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliland uu xabad u isticmaalay xisbiyada mucaaradka, taasina ay keentay in ay xabad kala hortagaan.

Waxa uu sheegay in anay jeclayn in ay Somaaliland dunto, isla markaana anay rabin in dadku qabaa’il noqdaan oo ay islaayaan, lakiin ay qoriga qaateen kadib markii uu madaxweynuhu wax talo ah maqli waayay, sida uu hadalka u dhigay.

Maleeshiyadaan ayaa dhawaan sheegtay in ay galeen buurta Gacan-libaax ee gobolka Saaxil, Arbacadii wacana hore ay u afduubatay 8 qof oo isugu jira saraakiil ciidan iyo odayaal wayn, kuwaasi oo ay saacado kadib sii daayeen.

Soomaaliland ayaa Ciidamo u dirtay Buurta Gacan libaax waxana laga cabsi qabaa in Halkaas daagaal uu ku dhex maro Ciidamada Soomaliland iyo Maleeshiyada ku sugan Buurta Gacan Libaax ee gobolka Saalax.