Maxkamada gobolka Banaadir ayaa markii labaad u Fariisatay dhageysiga dacwada loo heysto sarakiil katirsan hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo lagu soo Eedeeyay Musuq maasuq.
Maxkamadda Gobolka Banaadie ayaa maanta la horgeeyay Afar Eedeeysaneoo loo heysto dacwadda la xiriirta Musuq Maasuq iyo Catooyi Xoolo dadweyne
Eedeysanayaasha ayaa lagu kala magacaaba:
1 -Cabdulaahi Maxamuud Osoble,
2- Cumar Macalin Nuur,
3-Saabir Xasan Cabdinuur,
4- Aadan Maxamed Cabdi oo dhammaan loo haysto Eeed ku saabsan xatooyo xoollo dadweyne lagu soo eedeyay Saraakiishan intii ay ka mid ahayen howlwadeenadda hay’adda socdaalka iyo Jinisayada Soomaaliya.
Afarta eedeysane ayaa ka mid ah 18-eedeysanayaal oo xafiiska xeer ilaalintu ku soo eedeyay falal la xiriira Musuq maasuq.
Si kastaba ha’ ahaatee ‘ hore ayaa loo dhageystay dacwada 9-kamid ah eedeysanayasha iyo 8-maqanayaal ah oo Maxkamadda ay Baafin Saartay,islamarkana la filayo in muddo saddon maalin ah gudahood ay maxkamadda ku horyimadaan.