AKHRISO:- Wasiirka amniga iyo Saraakiisha ATMIS oo ka shiray ammaanka Koofur Galbeed

0

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Xasan Cabdulkadir Mohamed oo ay wehliyaan Xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda, Maamulka Gobolka Shabeelaha hoose iyo kan Caasimada Baraawe ayaa kulan looga hadlayey Xaalada Amniga Degmada la qaatay Saraakiisha Ciidamada Amaanka, Booliska, Nabad-sugida, Xoogga Dalka, Booliska gaarka ah ee KG iyo ATMIS.

Wasiirka Amniga koofur galbeed Mudane, Xassan Cabdulkadir ayaa Saraakiisha Ciidanka kula dardaarmay in ay wadashaqeyn wanaagsan ay yeeshaan lana xaqiijiyo amniga Magaalaada.