Urur siyaasadeedka Mideeye ayaa caddeeyay mowqifkiisa ku aadan ka qayb-galka Hannaanka doorashooyinka qof iyo cod ee Puntland.
urur siyaasadeedka Mideeye qaadacay ka qayb-galka doorashooyinkaas hannaanka xisbiyada badan oo ka dhci doona degaanada Puntland.
Sidoo kale , Urur siyaasadeedka Mideeye ayaa cambaareeyay wax ka beddelkii lagu sameeyay dastuurka Puntland waxaana uu ku Eedeeyay madaxweynaha Puntland Saciid Cabdulaahi Deni iyo Xubnaha Golaha Wakiilada Puntkand in ay sharciga-jebiyeen.
Ugu dambeentii ’Ururka Siyaasadeedka Mideeye ee Puntland ayaa sidoo kale Beesha Caalamka ugu baaqay in aysan qayb ka noqon taageeridda hannaanka doorashooyinka Puntland ee qof iyo cod oo ay ku tilmaameen mid hal dhinac ah.