Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, waxaa uu maanta Khadka taleefanka Kula hadlay Hoggaanka cusub ee Guddiga SSC, Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye).
War kasoo baxay Madaxfooyada puntland ayaa waxaa lagu sheegay in Bogaadin iyo mahadcelin kadib ay ka wadahadleen sidii loo adkeyn lahaa difaaca gobolka Sool.
Hoggaanka cusub ee Maamulka Khaatuma State ee SSC ayaa wada dadaalkii ugu dambeeyay ee ku aadan difaacida Gobolka Sool.