Madaxweynihii ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeele Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa ayaa gaaray Magaalada Biya Cade ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Sheekh Shariif iyo Madaxweyne Guudlaawe oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa burka diirimeed ayaa Biya Cade uga qeybgalay Shirweyne nabadeyn ah oo ka dhacay Magaaladaaas.
Shirkaan nabadeed oo ay kasoo qeybgaleen Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Mudane Axmed Meyre Makaraan Maamulka Degmada Mahadaay iyo Biya cade iyo Masuuliyiin kale ayaa lagu soo gunaanaday madmadow ka dhex jiray beelo walaalo ah oo wada dega Deegaanka Biyaha cade.
Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyay Maamulka iyo Bulshada deegaanka sida ay u maareeyeen gacan ka hadalkii ka dhacay deegaanka, isagoo ugu baaqay bulshada Biya Cade inay xoojiyaan nabadda deegaanka iyo wadajirka bulshada.