AKHRISO:- Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo sheegay inay kaalmo gaarsiinayaan goobaha khawaarijta laga xoreeyay

0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle ayaa waxa uu kormeeray keydka ama Baqaarka xarunta dhexe ee SoDMA oo ay ku jiraan qeybaha kala duwan ee Raashinka, Daawooyin iyo Dhar taas oo loogu talagalay in dhawaan loo daabulo deeganadii khawaarijta laga saaray iyo kuwa maalmaha soo socda laga xoreyn doono.

Guddoomiye Maxamuud ayaa sheegay in ka hay’add ahaan ay u diyaar garoobeen sidii gargaar u gaarsiin la hayeen Magaaloyinka iyo deegaannada Gobolada dalka ee dhawaan laga xoreyn doono khawaarijta arxanka daran ee Al-shabaab oo ay ugu horeyo Magaalada Ceelbuur.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in marwalba ay ka go’antahay u gargaarida bulshada Soomaaliyed waxaana u sheegay in malamaha soo socdana gargaar mucaawino ah ay u daabuli donaan Magalaada Lascaanood, oo shacab badan oo dagaalada halkaas ka socda saameen ka soo gaartay ay tubanyihiin banaanka Magaaladaas,

Guddoomiye Maxamuud ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in ay ka qeyb qataan gurmadka loo fidinayo walalaha Soomaaliyeed ee dhibatada muddada badan ay ku hayeen argagixisada Al-shabaab.