AKHRISO:- Mareykanka oo wadahadallo ‘adag’ la yeeshay taliska milatariga Niger

0

Diblumaasi sare oo Mareykan ah ayaa sheegtay inuu wadahadallo ‘furan oona adag’ la yeelatay taliska millateriga afgembiga kula wareegay dalka Niger.

Victoria Nuland, oo ah ku simaha ku xiigeenka xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka, ayaa sheegtay in hogaamiyeyaasha afgembiga kula wareegay dalka aanay ogolaan inay dalka dib ugu soo celiyaan nidaamkii dimuqraadiga ahaa, isla markaana ay kahor istaageen inay la kulanto madaxweynaha xilka laga qaaday, Mohamed Bazoum.

Xubnaha Ururka Dhaqaalaha ee Wadamada Galbeedka Afrika ee loo soo gaabiyo ECOWAS, ayaa lagu wadaa inay kulmaan khamiista, si ay ugu wada hadlaan dhibaatada taagan.

ECOWAS ayaa hore taliska millateriga Niger ugu digay inuu qaadi doono tallaabo milatari, hadii aanay soo siideyn madaxweyne Mohamed Bazoum.